Labada xiddig ee kooxda Manchester United Paul Pogba iyo Marcus Rashford ayaa ka soo muuqday tababar ka dhacday Old Trafford oo ay sameysay Man Utd.
Labadan xiddig ayaa dhaawacyo muddo dheer la maqnaa ka hor inta aan la joojin ololaha Premier League bishii Maarso sabab la xiriirtay cudurka faafa ee coronavirus.
Ka dib markii ay soo mareen dhaawacyo halis ah, Pogba iyo Rashford ayaa ka qeyb qaatay tartan kooxeed isbuucaan lagu qabtay garoonka kooxdiida,
Ciyaaryahanka reer France wuxuu ka maqnaa safka kooxdiisa tan iyo 26-kii Diseembar, halka Rashford uu markii ugu dambeysay ciyaaray 15-kii January.
Ciyaarta saaxiibtinimo ayaa u dhaxeysay Harry Maguire iyo Bruno Fernandes oo ahaa kabtanada uu xushay tababare Ole Gunnar Solskjaer.
Kulankii ugu dmabeeyay United ee tartan rasmi ah waxay 2-0 kaga badiyeen kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City 8dii Maarso.
Kooxda Solskjaer, oo sedax dhibcood ka dambeysa kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea, ayaa wajaheysa ciyaarta ugu horeysa Tottenham.
Dhamaan kulamada haray waxaa lagu ciyaari doonaa iyadoo garoomada albaabada loo xiri doono.

