Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Philippe Coutinho Oo Aqbalay Kooxdii Uu Ku Biiri Lahaa Xagaagan Xilli Wakiiladiisa Ay Wadahadal Ku Jiraan

Philippe Coutinho ayaa doonaya inuu ku biiro Paris Saint-Germain xagaagan si uu wadada ugu baneeyao Neymar oo dib ugu soo laabanaya Barcelona.

Ciyaaryahankii hore ee Liverpool Coutinho ayaa 18 bilood oo qarow ah ay ku soo martay Camp Nou tan iyo markii uu heshiis 140 milyan ginni uga soo wareegay Anfield.

Barcelona ayaa dooneysa inay dib u la saxiixato Neymar laakiin waxay u badan tahay in qaar ka mid ah ciyaartoydooda ay u diraan dhanka PSG si ay qeyb uga noqdaan heshiiska.

Kooxda heysata horyaalka La Liga ayaana u isticmaali karta Coutinho inay maceyso heshiiska iyadoo xiddiga reer Brazil uu ogolaaday inuu u wareego Paris.

Wargeyska Catalan ka soo baxa ee Sport ayaa sheegaya in wakiilada Philippe Coutinho inay wadahadal heshiiskiisa ku saabsan ay kula jiraan agaasimaha kooxda PSG Leonardo.

Coutinho ayaa haatan ku maqan tartanka Copa America oo xulkiisa uu finalka gaaray laakiin waxa uu aqbali doonaa inuu ku biiro PSG si uu qeyb uga noqdo heshiiska Neymar uu ugu soo laabanayo Barca.

Waxanaa la filayaa in xaalada heshiisa ay degdeg geli doonto marka uu soo dhamaado tartanka Copa America oo finalkiisa la qabanayo Axada soo socota.

27 jirkaan ayaa diirada u saarnaa Paris Saint-Germain ka hor inta uusan ku biiri Barcelona, waxaana la sheegay inuu isna mar walba jeclaa kooxda Faransiiska.

Exit mobile version