Yaya Toure wakiilkiisa Dimitri Seluk ayaa markale weerar culus ku qaaday Pep Guardiola, isagoona ugu yeeray in uu yahay laba wajiile dadka ka codsada in la is xishmeeyo balse isaga aan sameyneyn.
Silsaladaha colaadaha ah ee u dhaxeeya labada dhinac ayaa soo bilawday 2010, xilligaas oo uu Pep Yaya Toure kasoo ceyriyay Barcelona, kadib labadan xiddig ayaa ku midooway Etihad, balse Guardiola ayaa ka reebay xiddigan ciyaartooyda City kaga qeyb galeya tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.
“Markii Yaya laga saaray liiska Champions League waxaan la wacay Pep, waxaan doonayay in aan weydiiyo sababta, balse dib iima soo wicin,” ayuu u sheegay Seluk Daily Mirror.
“Waxaan isku dayay in aan talefoonka ka waco agaasimaha City Txiki Begiristain, si lamid ah dib ima soo wicin, sidaa darteeda ma ku fikireyn in kooxdu ay sidan ila dhaqmi doonaan, waxaan qabtay shir jaraa’id markii ay ii jawaabi waayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wakiilka Toure.
“Pep waxa uu sheegaa xishmad, balse in aad xishmad aad raadisa waxay u baahan tahay in aad muujisaa, City ka hor markii uu joogay Camp Nou mar ayaan wacay, waxaan doonayay in aan kala hadlo suurta galnimada hadii uu Yaya joogayo Barcelona iyo hadii kale ima soo jawaabi,” ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Dimitri Seluk oo ah wakiilka reer Afrika.
