Tababare Pep Guardiola ayaa u muuqda mid rikoorka aduunka u jabiyay daafaciisa, wuxuuna haatan qarka u saaran yahay inuu dhameystiro daafaciisii shanaad ee qaali ah, wuxuuna ku qarash gareeyay aduun dhan 269.5 Malyan oo Yuuro.
Citizens waxey haatan qarka u saaran tahay helitaanka daafaca reer France Aymeric Laporte kaas oo ka tirsan kooxda Athletic Bilbao, waana daafaca labad ee dunida ugu qaalisan isagoo ka dambeyn doona Van Dijk hadii la dhameytiro.
LIISKA DAAFYACADA:
Laporte (70 million euros) – January 2018 – Wali lama dhameynin
Mendy (57.5 million euros) – Summer 2017
Walker (57 million euros) – Summer 2017
Danilo (30 million euros) – Summer 2017
Stones (55 million euros) – Summer 2017

