Ururka ONLF ayaa war kasoo saaray Khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Maxamed Cagjar iyo Gudoomiyaha Xisbiga talladda dowlad degaanka haya ee Itoobiya Axmed Shide sidoo kalena ah Wasiirka Maaliyadda Itoobiya.
War kasoo baxay ururka ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka soomaalida ee ku nool Dowlad Degaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadda isla markaasna ay ismaamulaan sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga ah.
“ONLF waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda iyo in maamul dimuqraadi ah uu ka jiro Dowlad Deegaanka Soomaalida,waxaana loogu baaqaya dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ilaaliyaan mabaadii’daasi” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay ONLF.
Waxaa ay ugu baaqeen xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dowladda federaalka inay qaddariyaan rabitaanka iyo sharafta shacabka isla markaasna ay ka hor yimaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin karta amniga iyo danaha shacabka soomaalida.

