Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Ole Gunnar Solskjaer oo abaal marin lacageed heli doona haddii uu United usoo saaro Champions League.

Ole Gunnar Solskjaer oo dhawaan shaqada ka baddalay tababarihii la cayriyaya ee Jose Mouronho, ayaa la aaminsanyahay in uu isbaddal wayn ku samayn doono kooxda Old Trafford.

Solskjaer ayaa kulankiisi ugu horreeyay guul wayn ka gaaray kooxda Cardiff City markaas oo ay United ku xasuuqday 5-1

Manchester United ayaana kulankaas laga dareemaya isbaddal wayn oo dhanka hanaan ciyaareedkeeda ah, ciyaartooyda Red Devils soo bandhigaya ciyaar lajeclaysto.

Si kastaba Daily Star ayaa shaaca ka qaadday in tababare Gunnar Solskjaer uu 2-malyan oo lacagta ganiga istarliinka lagu abaal marin doono ama gunno ahaan loo siin doono haddii uu kooxda usoo saaro Champions League.

United ayaa maqribnimada maanta kulan xiiso badan la ciyaari doonta Huddersfield Town kulankaas oo xilga geeska Afrika soo dhici doona 6:00 maqribnimo.

Exit mobile version