Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal bartilmaameed ah ka fuliyay deegaanka Arabow oo hoostaga magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska NISA.
Howlgalkan ayaa lagu burburiyay xarumihii ugu waaweynaa ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen falalka argagixiso.
Xarumaha la burburiyay waxaa ka mid ahaa: xaruntii siyaasadda iyo maamulka, xaruntii diyaarinta qaraxyada, xafiisyadii marin-habaabinta (Al-Kataa’ib), xeradii tababarada maleeshiyaadka, iyo dhisme ay deganaayeen horjoogeyaal qaabilsanaa tababarada.
Sidoo kale, inta uu howlgalka socday, waxaa halkaas lagu dilay siddeed (8) dagaalyahan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Taliska NISA ma soo bandhigin sawirada iyo magacyada xubnaha ka tirsanaa Al-shabaab oo ay sheegtay inay dishay.

