Site icon Radio Risaala: Somali News Online

NISA oo howlgal hub lagu furtay ka fulisay Shabeellaha Hoose

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay Hub ay leeyihiin Al-Shabaab ka dib markii ay howlgal ka fuliyeen degaanka Forsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War kasoo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay Ciidanka Burburiyeen goobo Al-Shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakawaad.

Howlgalkaan ayaa waxaa daba socday duqeyn lala eegtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Shabeellaha Hoose.

Exit mobile version