Dowlada Nigeria ayaa sheegtay inay heshay ku dhawaad 75,000 codsi shan boqol oo shaqooyin xafiiska canshuuraha.
In kabadan laba kun oo qof ee dadka shaqada codsaday ayaa haystay shahaadada degree-ga darajada ugu saraysa.
Nigeria ayaa la tacaalaysa hoos u dhac dhaqaale oo ay sababtay sicirka shidaalka ee hoos u dhacay.
Tirada rasmiga ah ee dadka shaqo la’aanta ayaa ah 13%. Laakiin numbarka saxda ah wuu ka badan yahay intaas.
Wariyaha BBC ee Nigeria ayaa sheegaya in kororka dadka shaqo la’aanta ay keeni karto dhalinyarada inay ku biiraan kooxaha dagaalama.
