Neymar Jr ayaa dhaliyay goolkisii 300 aad waayihiisa ciyaareed khamiistii xalay kadib markii uu xili hore hogaanka u dhiibay Brazil oo la ciyaareysay Bolivia kulan ka tirsanaa is reeb reebka koobka aduunka ee 2018.
Xidiga Barcelona ayaa dhameystiray kubad weerar celis aheyd oo uu soo abuuray xidiga Man City u iibsan ee Gabriel Jesus.
Waxaa uu ahaa goolkiisii 49 aad ee xulalka waa weyn ee Brazil halka sidoo kale uu 18 gool usoo dhaliyay Brazil qeybaha dhalinyarada sida 17 jirada, 20 jirada iyo xulkii Olombikada.
Sidoo kale Neymar ayaa kooxdiisa Barcelona u dhaliyay 95 gool tan iyo markii uu ku biiray isagoo dhanka kale 138 gool u dhaliyay kooxdiisii hore ee Santos.
