Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Nabadoon Caawa lagu dilay Gaalkacyo

Waxaa Caawa Koonfurta  Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu dilay mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Mudug.

Suldan Cabdulahi suldaan Cabdiraxman  ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoonka la dilay, waxaana dilka u geystay koox ku hubeysan Bastoolado.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay in Ciidamada ammaanka ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay, marka ay baxsadeen raggii Bastooladaha ku hubeysnaa ee dilkaasi gaystay.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayaa walaac ku abuuray dilka  Suldan Cabdulahi suldaan Cabdiraxman , maadaama uu ahaa Oday si weyn looga garanayay halkaasi.

Dilka Nabadoonka, ayaa ku soo beegmaya, xilli toddobaadyadii la soo dhaafay dilal Qorsheyan ay ka dhacaayeen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Exit mobile version