Site icon Radio Risaala: Somali News Online

MW Xasan Sheekh “Qof siyaasad u xiran maanta ma jiro, qofkii dacwad qaba waxaa inoo jira garsoor”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay khudbad uu ka jeediyay magaalada Dhuusamareeb kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka kala dhexeeya mucaaradka iyo baahida loo qabo in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan jirin cid maanta siyaasad darteed xabsi ugu jirta, isaga oo siyaasiyiinta iyo cid kasta oo dacwad qabta ugu baaqay inay u maraan garsoorka iyo hay’adaha dhaqanka ee garqaadista leh, halkii ay isku dayi lahaayeen inay khilaafaadka ku xalliyaan awood ciidan.

“Qof siyaasad u xiran maanta ma jiro, qofkii dacwad qaba waxaa inoo jira garsoor. Qori iyo isbaaro xal ma aha. Soomaaliyey, nabad iyo wada-hadal ayaan idiinku yeerayaa, haddii aad tayda diiddaanna anigaa idiin imanaya, waana diyaar,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka digay in khilaafaadka siyaasadeed ay sababaan dhiig daata, isaga oo xusay in siyaasiyiin badan ay wajihi karaan tallaabo sharci haddii sharciga dalka si buuxda loo dabaqo.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa si gaar ah baaq ugu diray mucaaradka, isaga oo ka codsaday inay ka soo qeyb galaan gogosha wada-hadalka ee uu ku baaqay, wuxuuna sheegay in cidna aysan qorsheyn inay siyaasiyiinta ku khiyaameyso kulankaas.

“Fadlan kasoo qeyb gala gogosha, cid ku sireysa ma leh. Nin siyaasi ah oo doonaya inuu dalka hoggaamiyo waa inuu ogaadaa in ka badan intii caqligiisa lagu qiyaani karo,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo salka ku haya arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.

 

Exit mobile version