Site icon Radio Risaala: Somali News Online

MW Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb, halkaas oo ay ku sugan yihiin mucaaradkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.

Madaxweynaha ayaa magaalada Dhuusamareeb uga qaybgalaya munaasabadda caleemo-saarka madaxda cusub ee Galmudug, waxaana la filayaa inay ka qaybgalaan madaxda dowladda federaalka, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale oo gudaha iyo dibadda dalka ka kala timid.

Dhanka kale, magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo iyaguna magaalada u jooga ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka.

Imaanshaha Madaxweynaha iyo joogitaanka siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Dhuusamareeb ka dhigaya goob ay isku arkayaan dhinacyo kala duwan oo siyaasadda Soomaaliya ku loolamaya.

Exit mobile version