Site icon Radio Risaala: Somali News Online

MW Xasan Sheekh oo amar ku bixiyay in hoos loo dhigo Calanka Qaranka Kadib Geerida Amiirkii Hore ee Qatar

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku bixiyay in muddo saddex maalmood ah hoos loo dhigo Calanka Qaranka Soomaaliya, kaddib geerida ku timid Amiirkii hore ee Qatar, Sheekh Xamad bin Khalifa Al Thaani.

Tallaabadan ayaa ah mid lagu muujinayo murugada iyo garab istaagga ay Soomaaliya la wadaagayso dowladda iyo shacabka Qatar, iyadoo la xusay doorka iyo xiriirka dhow ee labada dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fartey dhammaan hay’adaha dowladda in ay si buuxda u fuliyaan amarka hoos u dhigista calanka inta lagu jiro muddada saddexda maalmood ah.

Exit mobile version