Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Muwaadin Soomaaliyeed oo UK ugu Geeriyooday dhaawac soo gaaray

Wargeyska The Evening Standard ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa ku waramay in uu Geeriyooday Muwaadin Soomaaliyeed oo Jimcihii lasoo dhaafay kooxo hubeysan ay ku weerareen Magaalada Londan.

Xuseen Axmed oo 19 jir ah  ahaana arday ayaa kooxo Gangestaro ah  ay dooxeen , ka dibna waxaa loo cararay isbitaalka oo uu ku geeridooay maalmo ka dib.

Ciidanka Booliska ayaa xaqiijiyay Geerida muwaadinka Soomaaliyeed , waxaana ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan ku dhawaad 4 qof oo lagu tuhmaayo in ay ku lugleeyihiin dilka Xuseen Axmed.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in dadkaasi dhawaan la hor keeni doono sharciga,madaam ay dooxeen muwaadinka Soomaaliyeed ,ka dibna uu Geeriyooday.

Xuseen Axmed ayaa waxaa dooxay kooxo Gangestaro ah xilli uu saarnaa Baskiil , kuna sii jeeday xarun laga raaco tareenada oo lagu magacaabo South Harrow Station.

Inta badan kooxaha Gangestarada ah ayaa dilal u geysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool dalka Ingiriiska, waxaana jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u badan oo ku maqan gacanta  kooxaha Gangestarada ah ee dalka Ingiriiska.

 

Exit mobile version