Muqdisho-RisaalaFM- Khadiijo Maxamed Diiriye Iyo Saciid Xuseen Ciid oo u tartamaayay xilka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka dalka, ayaa ku dhawaaqay inay xilkaasi ka tanaasuleen, kadib markii ay sheegeen inay garowsadeen arintaasi.
Wareega labaad ee Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Golaha Shacabka Somaliyed, ayaa waxaa isku haray Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/qaadir Sheekh Muudeey oo ahaa labadii ruux ee ugu codadka badnaa Wareega Koowaad.
Labo Musharax kale oo u tartamaayay xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dalka, ayaa iyagana ku dhawaaqay inay tanaasuleen.
Musharaxiinta tanaasushay ayaa kala ah C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahin (Ibi) iyo Burhaan Aadan Cumar oo iyaga ka mid ahaa Musharaxiintii u tartamaysay xilka Guddoomiye ku xigeenka lbaad ee Baarlamaanka dalka.
Waxaa isku soo haray Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dalka Mahad Cabdalla Cawad iyo C/qaadir Baqdaadi oo ku tartami doono wareega labaad.
