Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Musharax Daahir Geelle oo ku baaqay in la caawiyo Shacabka Hargeysa

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in la caawiyo Shacabka Magaalada Hargeysa ka dib markii uu gubtay Suuqii ugu weynaa Magaalada.

Waxaa uu sidoo kale tacsi u diray dhammaan dadkii ku hanti waayay dabkaasi, asagoona caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Warka Musharax Daahir Geelle ayaa siddaan u qornaa:

Waxaan walaalahayga reer Hargaysa iyo Maamulka Somaliland la wadaagayaa tiiraanyada musiibada xalay ka dhacday Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, si gaar ah waxaan dareenkayga ula wadaagayaa ganacsatadii ay hantidooda ku baaba’day dabkii xalay.

Waa arrin culeeskeeda leh in ay dhacdadani ku soo aadday iyada oo sannadihii u danbeeyay ay guud ahaan dunida, gaar ahaanna dalalka Geeska Afrika ay la daalaa dhacayeen saamaynta cudurka COVID-19, abaaro soo noqnoqday iyo sicirbarar dhanka maciishadda ah.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto ugu baaqayaa in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan walaalaha ay khasaarada soo gaartay. Waxaan ku kalsoonahay in sida isjacaylka, isku damqashada iyo isgarab istaagga leh oo ay dadka Soomaaliyeed uga soo gudbeen culeesyo badan, in tanna si degdeg ah looga soo kaban doono Inshaa Allaah.

Exit mobile version