Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Mudaaharaadyo xoogan oo ka socda dalka Mexico

Booliiska Dalka Mexico ayaa xiray hogaamiyiha ururka macallimiinta isaga oo lagu eedeeyay in uu la baxay lacag si sharci darro ah looga aruuriyay xubnaha ururkaasi ee ku sugan magaalada Koonfurta ku taala ee Oaxaca.

Ruben Nunez wuxuu mudo toban sano gaaraysa hogaaminayay halganka loogu jiray in macallimiitu ay helaan mushahaar wanagsan iyo hanaan hufan oo ay ku shaqayn karaan.

Taageerayaashiisu waxay sheegayaan in Nunez uusan wax dambi ah galab sanin, dawladda Mexico-na waxay ku eedeeyeen in ay u xirtay sababo siyaasad la xiriira.

Jidgooyo ayayna dhigteen agagaarka magaalada Oaxaca iyaga oo dalbanaya in la sii daayo.

Sidoo kale taageerayaashu waxay ku baaqeen in mudaaharaad lagu qabto caasimadda dalkaasi ee Mexico City, talaadada iyo arbacada.

Exit mobile version