Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag uga falceliyay hadal uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ku sheegay in hoggaanka dowladda ay dalka u wadaan meel aan la garanayn.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaaruhu uu muujinayo walaaca ay mucaaradku ka qabaan jihada siyaasadeed ee dowladda, isagoo hoggaanka dalka ku eedeeyay inuu ku fashilmay maaraynta xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.
“Waa run in aysan caadi ahayn, weli Soomaali ma arag hoggaan kulansaday karti-darro, musuqmaasuq, qaraabo-kiil, jiho-diidnimo, garasho-xumo iyo sariig la’aan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda aysan shacabka u hayn qorshe cad oo mustaqbalka dalka lagu hago, balse ay doonayso inay xukunka sii haysato, isagoo sheegay in hoggaamintu u baahan tahay garasho, karti, odoroska khataraha iyo fahamka xaaladaha dalka.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira, oo ay ka mid yihiin khilaafaadka gobollada, dagaalka Al-Shabaab, mustaqbalka howlgalka AUSSOM, taageerada caalamka iyo loollanka quwadaha shisheeye ee Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay gogosha wada-hadalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka, ayuu sheegay in hadalka Xamsa uu sii xoojinayo shakiga ay ka qabaan jihada dowladda, isla markaana uu saameyn ku yeelan karo go’aanka laga gaarayo ka qaybgalka wada-hadallada.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu dambeyn sheegay in mucaaradku wajahayo laba arrimood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah inay si wadajir ah uga hortagaan waxa uu ku tilmaamay halista dowladda iyo inay beesha caalamka ka codsadaan gurmad.
Dhanka kale, hadalka Xamsa Cabdi Barre ee ahaa in dowladda ay dalka u waddo meel aan la garanayn ayaa dhaliyay falcelin siyaasadeed, iyadoo mucaaradku u fasirteen mid aan shacabka u caddeyn halka uu dalku ku wajahan yahay.

