Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inay ku kulmaan xubno ka tirsan mucaaradka iyo siyaasiyiinta taageersan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan Shuluq.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka dhaceyso munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug.
Shalay waxaa magaalada gaaray xubno badan oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo u tegay ka qeybgalka munaasabadda.
Kulankan ayaa noqonaya mid ay isku arkayaan siyaasiyiin ku kala aragti duwan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xilli uu taagan yahay khilaaf la xiriira doorashada, dastuurka iyo wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka.

