Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Mourinho oo ku soo wajahan kooxda Man United

Jose Mourinho ayaa la aaminsan yahay in uu heshiis la gaaray Ed Woodward kaasoo noqon doono tababaraha xiga ee Manchester United.

Mourinho ayaa wali waxaa sii badana wararka la xiriirinaya United, heshiis hordhac ah ayuuna la gaaray Madaxda kooxda Manchester United,

si kastaba ha ahaatee M.E.N. Sport ayaa ogaatay in Mourinho uu aaminsan yahay inuu bedeli doono saaxiibkiis Louis van Gaal.

Wakiilka macalinkii hore ee Chelsea, Jorge Mendes, ayaa jeclaan lahaa inuu macmiilkiisa u wareego garoonka Old Trafford xilli ciyaareedkan, lakiin weli Woodward ayaa ka fakiraya qaabkii loo ceyrin lahaa Van Gaal xagaaga ka hor.

Woodward ayaa la xiriiray Mendes saacado ka dib markii United ay guuldarro Europa League kala kulmeen kooxda Midtjylland Jimcihii, si uu u u badbaadiyo kooxdiisa.

Exit mobile version