Sida lagu wado suuqa kala iibsiga ayaa furmi doona bisha January, wararka xanta suuqa ayaa aad u badan maalmahaan wararka ugu yaraan ka cusub kooxda Manchester United ka bisha Janaayo ayaa ah kuwo wadno xanuun ku ah jamaahiirta kooxdan.
Wararka ayaa sheegaya in Wayne Rooney, Anthony Martial iyo Memphis Depay ay ka tagi doonana kooxda bisha Janaayo taas dharbaaxo ku ah kooxda Jose Mourinho.
Sida ay sheegayaan wararka lagu qoray galabta Independent, Jose Mourinho ayaa doonaya inuu xoojiyo weerarkiisa isagoo hadda kaliya heysta Zlatan Ibrahimovic sidaas darteed waxa uu isha ku hayaan inuu kusoo bedesho saddexdaan ciyaaryahan Aubameyang.
Qorshahaan Manchester United ay ku iibineyso Wayne Rooney, Anthony Martial iyo Memphis Depay, ayaa ah mid suurta gal ah, laakiin saxiixa Aubameyang ayay dagaal adag kala kulmayaan kooxaha Real Madrid iyo Manchester City.
