Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Mkhitaryan Oo Ka Caaawiyay United Inay gaarto Wareega 32 Koox Ee Europa League

Goolkiisii ugu horeeyay ee Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa ka caawiyay kooxdiisa in ay 2-0 ku garaacday FC Zorya Luhansk iiyadoo hadda ugudbtay wareega 32 koox ee Europa League.

Mkhitaryan, ayaa ka dhafay daafac kubadda isagoo kasoo qaatay banooniga kala barka garoonka ka hor inta uusan dhaafin goolhayaha.

Zlatan Ibrahimovic ayaa xaqiijiyay guusha United labo daqiiqo iadoo ka harsan tahay waqtiga caadiga ah ee ciyaarta, taasoo la micno ah in United soo afjartay wareega Groupyada iyadoo leh 12 dhibcood lix kulan oo ay ciyaareen.

Ciyaartaan ayaa guud ahaan waqtiga loo talo galay waxay Inuted ku badisay 2-0, waxaana Jose uu kusoo laabtay markale wada guusha.

Exit mobile version