Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Miyuu is beddeli doonaa go’aanka Pogba haddii Jose Mourinho laga ceyriyo Old Trafford?

Kubbad qaabeeyaha kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa ay ka go’antahay inuu ka dhaqaaqo kooxdiisa, xittaa haddii Jose Mourinho laga raacdeeyo shaqada tababare ee Old Trafford.

Daily Telegraph ayaa hoosta ka xarriiqday in Pogba uu ka tegi doono United markii labaad xirfaddiisa, isagoo doonaya ku biiritaanka Juventus ama Barcelona.

Tan iyo markii uu laacibka France ku hooggaamiyay xulkiisa Koobka Adduunka, waxaa soo iftiimayay xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya isaga iyo macallinkiisa.

Balse sheeko waxa ay is beddeshay markii uu Pogba dhaleeceeyay falsafadda Mourinho, dabadeedna macallinka Portugal u dhashay uu go’aansaday inuu ka xayuubiyo xilka ku xigeenka Captain-ka naadiga.

Si kastaba ha ahaate, 25-jirkan ayaa waxa uu ku biiri karaa midkood Barcelona ama kooxdiisii hore ee Juve.

Red Devils ayaana madaxa ciyaaryahanka dul saartay in ka badan £200m.

Exit mobile version