Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Mesut Ozil: Waxaa Isoo Gaaray Warqado Naceyb & Hanjabaado ah!

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Mesut Ozil ayaa ka fariistay kubada cagta caalamiga ah, isagoo yiri “cunsurinimo iyo ixtiraam la’aan darteed ayaan kaga tagay xulka Germany.

29 jirkaan ayaa la eedeeyay ka dib markii lagu sawiray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan intii lagu jiray xaflad London ka dhacday bishii May.

Waxa uu sheegay inuu helay waraaqo naceyb ah iyo hanjabaado ah, waxaana lagu eedeeyay inuu jabiyay sharciga xiriirka kubadda cagta ee Germany.

“Waxaan ahay Jarmal marka aan badino, laakiin waxaan ahay muhaajir marka aan lumino natiijada wanaagsan ee ciyaraha” ayuu yiri Ozil.

Madaxda kubada cagta Jarmalka ayaan wali wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray kubada sameeyaha Arsenal.

Wiilka saddexaad ee Turki-Jarmalka wuxuu ku dhashay magaalada Gelsenkirchen, wuxuuna ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsanaa xulkiisa oo ku guuleystay Koobka Adduunka 2014kii.

Waxa uu 92 kulan usaftay Germany, isagoo nasiib u helay in loo doortay ciyaaryahanka sannadka Germany shan jeer tan iyo 2011 kii.

Laakiin Ozil ayaa sheegay in go’aanka ugu fiican ee noloshiisa uu qaatay markii uu ku dhawaaqay inuu iska siibay maaliyada Jarmalka.

 

Exit mobile version