Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Maxkamadda Ciidamada Q.S oo xabsiga dhigtay Barongo John

Muqdisho-RisaalaFM- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Manata Xabsiga dhigtay Darawal ka tirsan Ciidanka AMISOM oo Isgoyska Siinaay ee Muqdisho Gaari uu waday ku jiirsiiyay Wiil dhalinyaro ah oo Mooto Bajaaj waday.

Darawalkan ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa waxaa lagu Magacaabaa Barongo John, Waxaana Gaari uu waday uu Wiil dhalinyaro ah ku jiirsiiyay Isgoyska Siinaay ee Muqdisho, isaga oo isku dayay inuu goobta ka baxsado balse waxaa qabtay Ciidanka Dowladda ee ku sugnaa isgoyskaasi.

Saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay darawalkaasi isla markaana Xabsiga la dhigay.

Ciidanka AMISOM ayaa dhowr mar waxa ay tacadiyo kala duwan u geysteen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka ku sugan.

Ciidanka AMISOM ayaa xalay sidoo kale Waxa ay gaari ku jiireen Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Mooto Bajaaj saarnaa kuwasi oo maraayay meel u dhaw degaanka Siinka dheer.

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya lagu dhaliilaa in ay ka gaabisay la xisaabtanka Ciidanka AMISOM ee dhibaatada u geysta Shacabka Soomaaliyeed, waxaana dhacda in mararka qaar lagu guuleysto in la soo qabto.

Exit mobile version