Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa go’aan ka gaari doonta codsiga Koonfur Afrika ee “tallaabooyin ku-meel-gaar ah” oo ka dhan ah Israel oo ku saabsan xasuuqa lagu eedeeyay Gaza.
Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa ku amri karta Israa’iil inay joojiso duullaanka ka dhanka ah dhulka Falastiin.
Weerarada Israa’iil ee Khan Younis ayaa weli sii socda iyadoo duqeymo ba’an ay ka geysanayaan guud ahaan magaalada iyadoo boqolaal kun lagu amray inay isaga guuraan, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya inaysan carari karin iyadoo ay rabshaduhu socdaan.
Weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla xaafadda al-Hassayna ee xerada qaxootiga ee Nuseirat ee badhtamaha Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 11 qof.
Dagaal culus ayaa ka socda agagaarka isbitaallada Al-Aqsa, Nasser, al-Amal iyo Al Kheir ee Khan Younis ee koonfurta Gaza, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhintay 370 kalena way ku dhaawacmeen 24-saac gudahood intii u dhaxaysay Arbacadii iyo galabnimadii Khamiista, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

