Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xasan Xanafi Xaaji oo markale la xukumay

Kadib markii dhawaan Xasan Xanafi Xaaji uu racfaan ka qaatay xukunkii maxkamada ciidamada Qalabka ayaa waxaa maanta loo gudbiyay maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida.

Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ay ku riday Xasan Xanafi Xaaji oo loo heysto dilalka wariyaal badan oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Maxkamada Sare ayaa qaadatay go’aan la mid ah kii Maxkamada Darajada Koowaad ay xukunka dilka ah ugu riday Xasan Xanafi Xaaji oo Shabaab u qaabilsanaa Shirqoolada Suxufiyiinta.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow, ayaa sheegay xukunka Xasan Xanafi Xaaji inuu yahay dil toogasho ah, maadaama eedeymaha loo haystay ay yihiin kuwa uu dambigooda horay u galay.

Inta ugu badan eedeymaha loo haystay Xasan Xanafi Xaaji, qaarkoodna qiraalka uu ka sameeyay ayaa ah Shirqoolo kala duwan oo uu dhigay Suxufiyiin badan oo ka howlgalaayay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu dilay isla Magaaladan.

Xukunka maanta ay ku riday Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Xasan Xanafi Xaaji, ayaa wuxuu soo gaba gabeynayaa Doodihii ka taagnaa eedeymaha loo haystay Xasan Xanafi Xaaji oo Shabaab dhanka Warfaafinta u qaabilsanaa.

Exit mobile version