Site icon Radio Risaala: Somali News Online

: Maxkamada Gobolka Banaadir oo u yeertay Eedeysane Axmed Ciise Guutaale oo ah Hantidhowraha Guud ee Qaranka, waxaa lagu soo eedeeyay hor istaag Go’aano Maxkamadeed iyo bixinta kharashaadka Maxkamadaha

War ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa loogu yeeray Hantidhowraha Qaranka Axmed Ciise Guutaale, kaasi oo lagu eedeyay qodobo dhowr, isagoona lagu amray inuu horyimaado maxkamada.

Maxkamada ayaa ku eedeysay Hantidhowraha dhowr qodob oo ay ka mid tahay is hortaag maxkamadeed iyo inuu ku xadgudbay madax banaanida garsoorka.

Maxkamada ayaa ku hanjabtay haddii uu imaan waayo ay qaadi doonto talaabo adag oo ka dhan ah Hantidhowraha.

Waa eedii ugu cusleed ee loo jeediyo hantidhowraha Qaranka, mana jirto jawaab ka soo baxday Hantidhowraha Axmed Ciise Guutaale.

Warqada ka soo baxay xafiiska maxkamada ayaa u qorneed sidan

Exit mobile version