JORDAN HENDERSON ayaa shaaca ka qaaday sirta ka dambeysa guushii uu gaaray xili ciyaareedkaan saxiibkiisa Liverpool Mohamed Salah.
Salah ayaa ku guuleystay abaalmarinta PFA Player of the Year ka dib markii xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Liverpool uu dhaliyay 41 gool tartamada oo dhan.
Iyadoo 31 gool uu ka dhaliyey Premier League, wiilka Masaarida ayaa noqon kara gooldhaliyaha hal xilli ciyaareed ugu sareeya horyaalka England.
Ka dib markii uu ku guul darreystay inuu Chelsea ku soo bandhigo qaab ciyaareed fiican, Salah ayaa ku riyaaqay noloshiisa cusub ee garoonka Anfield, waxaana uu qeyb weyn ka yahay weerarka halista ee Roberto Firmino iyo Sadio Mane.
Henderson, oo ka qaybgalay xafladdii lagu bixinayay habeenkii xalay abaalmarinta ciyaryahanka sannadka PFA, ayaa la yaabay wixii uu arkay.
Kabtanka Liverpool ayaa aaminsan in sirta ka dambeysa guusha Salah ay tahay shaqo adag oo uu qabtay xili ciyaareedkaan.
Markii la waydiiyay haddii saaxiibkooda kooxda ay filanayeen inuu gaaro darajadaan oo kale, Henderson wuxuu yiri: “Waxaan ogeyn tayadiisa, laakiin waxaan u maleynayaa inuu gaaray heer ka fiican mid aan ka sugeynay.
“Sida iska cad tababaraha ayaa caawiyey tan iyo markii uu yimid Liverpool, waxa uu heystaa koox fiican, taas ayaana ka caawineysa inuu horumar sameeyo.
“Wuxuu mar walba ku shaqeynayaa marxalad adag, marwalba qolka jimicsiga ayuu ku qaataa tababar, had iyo jeer si adag ayuu uga shaqeyaa kooxda.
Liverpool, oo barbaro 2-2 ah la gashay West Brom Sabtidii, waxa ay kooxda Roma la ciyaari dootaa lugta hore ee semi-finalka Champions League habeenka Talaadada.

