Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Maxaa sabab u ah Dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista Xubnaha Aqalka Sare ?

Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa horey u shaaciyey in Maamul Gobaleedyada Bishan October 05-teeda soo gudbin doonaan Xubnaha xildhibaanada ee uga mid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Sababaha dhaliyey Dib u dhca ayaa la filayaa in ay Guddiga Doorashada Dadban ka hadlaan, si loo ogaado waxa dib u dhigay magacaabista 54-ka xubnood ee Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Dib u dhacaasi ayaa la rumeysan in ay u sabab yihiin:-

Maamul Gobaleedka Hirshabeele oo aan weli la soo dhameystirin, lana soo xuli Karin xubnihii u matali lahaa Aqalka Sare ee Basrlamaanka.

Cuqaasha iyo Siyaasiyiinta Soomaaliland oo weli qaadacsan Saami-qeybsiga Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo K/Galbeed oo aan weli si rasmi ah u soo gudbinin Liiska xildhibaanadda u matalaya Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada Dadban ee Heerka Federaal ayaa horey u soo bandhigay Jadwalka Doorashada, kaasi oo lagu qeexay:-

In xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka la doorto bishan October 05-teeda.

In Baarlamaanka la doorto 23-ka October ilaa 10-ka November.

In Guddoonka Labada Aqal la doorto 23-ka November.

In Madaxweynaha la doorto 30-ka November.

Si kastaba ha ahaatee, Dib-u-dhaca xubnaha Aqalka Sare ayaa laga yaabaa in ay sababi karto Dib u dhac Baahsan oo ku yimaada Doorashada.

Exit mobile version