Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Arbaco uu jiro kulanka, isla markaana Ajandaha Kulanka Maanta uu yahay:

Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed iyo Ansixinta Xeerkaas, waxaana la filayaa inay Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixiyeen Hindise sharciyeedkaas.

Dhinaca kale qaar kamid ah Xildhibaannada  Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa inay Maanta ka hadlayaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay muqdisho, sigaar ah weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Xeebta liido.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa weli horyaalla Hindise Sharciyeedyo dhowr ah, kuwaas oo Xildhibaannada ay ka doodi doonaan kadibna ay ansixin doonaan.

Exit mobile version