Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dood adag ka yeeshay Hanaanka Doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir gudoominayay kulanka, iyadoo Xildhibaano badan ay halkaa ka jeediyeen hadalo kala duwan oo ay uga warbixinayaan qaabka ay u arkaan Heshiiska ay wada gaareen madaxda Madasha Qaran.
Xildhibaanada baarlamaanka ee soo xaadiray xarunta golaha shacabka ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 45 Mudane, waxaana xildhibaanada qaarkood ay soo jeediyeen in doorashada dib loogu celiyo Xukuumadda si ay dib uhabeyn ugu sameyso.
Sidoo kale xildhibaano badan ay halkaa ka jeediyeen hadalo kala duwan oo ay uga warbixinayaan qaabka ay u arkaan Heshiiska ay wada gaareen madaxda dowladda iyo Madaxda maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta ka baaqday in uu tago xarunta golaha shacabka si ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya wax uga weydiiyaan qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran ee dhowaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.
