Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Maxaa Ka Jira In Ronaldo Lagu Casuumay ArooskaMessi

Lamaanayaasha kala ah Leo Messi iyo Antonella Roccuzzo ayaa ku heshiiyay in ay isguursadaan marka la gaaro sanadka soo aadan, kadib sheeko waqti badan socotay oo labada dhinac u dhaxeysay.

Tan iyo sanadkii 1996-dii Messi iyo Roccuzzo ayaa ahaa saaxiibo balse ugu dambeyn sanadkii 2008 ayeey si rasmi ah ugu dhawaaqeen in uu ka dhexeeyo xiriir jaceyl.

Ugu dambeyn Lamaanahan ka imaada magaalada Rosario ayaa kala helay Thiago iyo Mateo, waxaase toddobaadkan la hadal hayay arinta arooska xiddiga kooxda Barcelona.

Cristiano Ronaldo ayaa kamid ah saxiibada dhaw ee dhanka kubada cagta xiddiga Argentina Lionel Messi, waxaase macquul ah in lagu casuumo xalfada arooska xiddigan oo dhici doonta marka lagaaro xagaaga sanadka 2017.

Ronaldo iyo Roccuzzo ayaa sidoo kale aad isku garanaya maadaama dhaw jeer ay isku arkeen xalfadaha Ballon d’Or iyo bandhigyada dhacdooyinka lagu bixiyo abaal marinada.

Exit mobile version