Dalal badan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa meel adag ka istaagay muranka kala dhexeeya Turkiga ee ku aadan dadaalada ay Ankara ku doonayso in ay isu soo baxyo siyaasadeed ku qabato dibadda.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jermalka Thomas de Maiziere ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo ol’oleyaasha ay wasiirada Turkigu ku bartilmaameedsanayaan qurbajoogta Jermalka ku sugan.
Ra’iisal wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa madaxweynaha Erdogan-ka Turkiga ka dalbaday in uu raali gelin ka bixiyo in uu dadka Netherlands ku tilmaamay Nazi-gii, ka dib markii wasiir Turki ah laga hor istaagay in ay ka qaybgasho isu soo bax lagu qabtay Netherlands.
Isu soo baxyadan ayaa looga gol leeyahay in dadka Turkiga ah ee ku nool Yurub ay haa ugu codeeyaan aftida lagu kordhinayo awoodaha madaxweynaha Turkiga.

