Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Maskaxdii ka dambeysay isku diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka ee Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay

War Qoraal ah oo ka soo baxay taliska Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal duqeyn oo lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacasy deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday deegaanka Damasha,Shabeelow ee gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana lagu khaarijiyay Mansoor Tima weyne oo ahaa maskaxdii ka dambeysay isku diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka.

Qoraalka Taliska ayaa lagu sheegay in Mansoor uu dhawaan ka tagay deegaanka Buula Fuuley, waxaana waday gaadiid la dayac tiray oo kooxda ay u adeegsan jirtay Weerarada.

Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay in duqeynta lagu dilay in ka badan 50 xubnood ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, inta uu socday howlgalka, waxaana la sheegay in la burburiyay gaadiid dagaal oo ay leeyihiin kooxda.

Exit mobile version