Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Mareykanka oo weeraray Iran.

Maraykanka ayaa duqeymo ka fuliyay Jasiiradda Qeshm ee dalka Iiraan, taas oo ku taalla Marinka Hormuz, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen CBS, oo ah telefishinka ay bahwadaaga yihiin BBC-da ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee IRNA ayaa Isniintii sheegtay in dhowr qarax laga maqlay jasiiradda.

Saraakiisha Mareykanka ayaa duqeymaha ku tilmaamay kuwo xaddidan, iyagoo sheegay inay jawaab u ahaayeen weerar ay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ku qaadeen diyaarad Mareykan ah.

BBC-da ayaa la xiriirtay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM), oo ah taliska u qaabilsan howlgalada milatari ee Mareykanka ee Bariga Dhexe, si ay uga hesho faahfaahin dheeraad ah.

Weerarradan ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu isu diyaarinayo doorashooyinka xiliga dhexe ee Congress-ka, kuwaas oo lagu go’aamin doono in Xisbiga Jamhuuriga ama Xisbiga Dimuqraadiga uu yeeho aqlabiyadda Congress-ka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa wajahaya hoos u dhac ku yimid taageerada dadweynaha, iyo cadaadis kaga imaanaya xubno ka tirsan xisbigiisa oo doonaya in la soo afjaro dagaalka, kaas oo billowday markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bishii Febraayo weerareen Iiraan.

Isniintii, Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay inuusan ku degdegeynin inuu kordhiyo duqeymaha ka dhanka ah Iiraan.

“Si kastaba ha ahaatee, tallaabo ayaan qaadi doonnaa, balse kuma degdegayno,” ayuu u sheegay warbaahinta Axios.

“Dhaqaale ahaan si weyn ayaan u wiiqnay. Wax lacag ah ma haystaan, shidaalna ma haystaan, dadkooduna aad ayay uga daaleen xaaladdan,” ayuu yiri.

Exit mobile version