Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay Lix weerar oo ay ka fulisay Soomaaliya Sabtadii iyo Axaddii lasoo dhaafay in lagu dilay in ka badan 62 dagaal yahan oo ka tirsan Shabaab.
Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Gandarshe oo hoos yimaada degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Afar weerar oo dhacay Sabtidii lagu dilay 34 dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab,halka labo weerar oo dhacay Maalintii Shalay aheyd lagu dilay 28 xubnood.
Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono howlgallada dhanka cirka ah ee ka dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.
