Dowladda Mareykanka ayaa go’aansatay inay dib u cusbooneysiiso taageeradii ay siin jirtay howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaddib markii ay horay u joojisay maalgelintii howlgalka, tallaabadaas oo walaac weyn laga muujiyay inay halis gelin karto sii socoshada dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Axaddii sheegtay in Washington, kaddib dib-u-eegis ay sameysay, ay go’aansatay inay taageerto muddo kordhin hal sano ah oo loo sameeyo waajibaadka howlgalka AUSSOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
UNSOS ayaa ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya siiya taageero saadka iyo adeegyada muhiimka u ah howlgaladooda milatari. Mareykanka ayaa horay u joojiyay maalgelintii uu siin jiray xafiiskaas, isagoo sidoo kale qorsheeyay in gebi ahaanba la xiro dhammaadka sannadka 2027.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xiriir la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa muddo ku dhow labaatan sano dagaal kula jiray dowladda Soomaaliya, iyagoo weli gacanta ku haya deegaanno ballaaran oo ku yaalla bartamaha dalka, inkastoo uu socdo howlgalka ciidamada Midowga Afrika.
Warbixinta wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in howlgalka ciidamada Midowga Afrika ay adkaan lahayd inuu sii socdo haddii laga waayo taageerada saadka ee UNSOS.
Mareykanka ayaa markii hore sabab uga dhigay joojinta taageerada horumar la’aanta dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab iyo khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada ah ee dalka ka jira.
Dhanka kale, diblomaasi ajnabi ah oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya, kana hadlay si qarsoodi ah, ayaa soo dhoweeyay dib u soo celinta taageerada Mareykanka, balse wuxuu dhaliilay isbeddellada degdegga ah ee siyaasadda Washington, isagoo ku tilmaamay kuwo aan la fahmi karin.
Diblomaasiga ayaa sidoo kale muujiyay inuu la yaabay in Mareykanku uusan ka faa’iideysan ballanqaadka maalgelinta cusub si cadaadis loogu saaro dowladda Soomaaliya, xilli dalka ay ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo saameyn ku yeelanaya dagaalka Al-Shabaab.
Warbixinta AFP ayaa sidoo kale xustay khilaafka dastuuriga ah ee ka dhashay muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sii xoogeysanayay kaddib markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, xilli maxkamaddu ay ka doodeysay muddo-kordhinta madaxweynaha.
Sidoo kale, dagaalka Al-Shabaab ayaa wajahaya caqabado amni, iyadoo kooxdaasi ay sheegatay inay dishay boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, weerar gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.
Waxaa intaas dheer in Uganda, oo ah dalka ciidanka ugu badan ku biiriya howlgalka Midowga Afrika, ay sheegtay inay ciidamadeeda oo dhan kala baxayso Soomaaliya dhammaadka sannadka 2027.
Mareykanka oo dib u cusbooneysiinaya taageerada AUSSOM iyo UNSOS ayaa imanaya xilli ay jiraan caqabado dhinaca amniga, siyaasadda iyo mustaqbalka howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

