Manchester United Luke Shaw ayaa lagu soo waramayaa inuu tababar shaqsi ah isbuucaan qaadanayo halka saaxiibadiisa kale ee kooxda fasax lasiiyay.
Inta badan kooxda United ayaa ciyaartooydooda waxa ay ku maqan yihiin fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, laakiin sida laga soo xigtay Daily Mail Shaw ayaa sii wadanaya tababarka isagoo jadwal shaqsi ah ku qaadanaya.
Sida lagu sheegay warbixinta, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa qaadanaya tababar uu ku dhiso physio , halka saaxiibkiisa Chris Smalling la sheegay in uu dhaawac kaga maqan yahay xerada Carrington.
taageerayaasha United ayaa dhaawan ku baarugay Shaw oo dhaleeceyn xoogan kala kulmaya tababaraha kooxda Jose Mourinho.
