Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Manchester United Oo Edwin van der U Magacaabay Xil Uusan Jecleyn In La Sameeyo Jose Mournho

Manchester United waxa ay kala xulaneysaa dhawr shaqsi oo ay u dooneyso in ay noqdaan agaasimeheeda ciyaaraha.

In la sameeyo booskaas oo noqonaya mid ka shaqeeya suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada ayaa imaanaya kaddib khilaaf soo kala dhexgalay kooxda iyo Jose Mourinho.

In Mancehster United ay ku guuldarreysatay la soo saxiixashada qaar ka mid ah bartilmaameedyaddii Jose Mourinho ayaa timi kaddib markii laga shakiyey qiimihii la dulsaaray.

Hadda kooxda waxa ay go’aansatay in ay magacowdo qaar ka mid ah raga Europe ugu wanaagsan kuwaas oo aad ula socda kooxaha kale iyo xiddigaha.

Agaasimaha ciyaaraha Roma, Monchi iyo Fabio Paratici oo ka tirsan Juventus ayaa ka mid ah kuwo loogu jecel yahay sidaas waxaa qabta The Independent laakiin labadooda wey ku adkaan doontaa United in ay kala soo wareegto kooxaha Talyaaniga ah.

Edwin van der Sar oo shaqo wacan ka qabtay Ajax ayaa laga yaabaa in uu booskaas u buuxiyo United halka sidoo kale ay warar sheegayaan in Novara’s Domenico Teti xulasha ku jiro.

Mourinho markii hore iskuma wanaagsaneyn in uu la shaqeeyo agaasimeyaasha ciyaaraha waxaana la xasuustaa sidii ay isugu dheceen Michael Emenalo waqtigii uu Chelsea tababaraha ka ahaa.

Magacaabista xilkaas waxa ay soo dedejin doontaa in nidaam loo helo dhaq dhaqaaqa suuqa ay United ka sameyso oo muddooyinkii dambe isku dhex yaacsanaa.

 

Exit mobile version