Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa isku diyaarineya inuu £ 20m kula soo wareeego daafaca midig ee kooxda Bayern Munich Juan Bernat.
23-sano jirkaan waxaa si fiican u yaqaana macalinkii hore ee Bayern MUnich kaasoo geeyay Germany 2014 markii uu kaga qaatay kooxda Valencia lacag aan la shaacin.
Guardiola ayaa diyaarayay liiska ciyaartooyda uu kusoo kordhin doono kooxdiisa bisha Janaayowaxaana kujira David Alaba.
Ciyaaryahanka caalamiga ah ee reer Spain Juan Bernat. ayaa ka ciyaari kara labada daafac ee midig iyo bidix iyo sidookale khadka dhexe -waana sababta uu u doonayo macalinka Manchester City.
Ilo kusugan Etihad ayaa yiri: “Gael Clichy ayaa qandaraaskiisa xagaaga soo socda dhacayaa waxaana sidookale kooxda ka tagi doona Kolarov sidaas darteed waxaa loo baahan yahay daafacyo cusub.
