Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Malaayiin Xujey ah oo maanta istaagay Banka Carafo

Sacuudi-RisaalaFM- Soomaalida sanadkan xajineysa ayaa saakay ka soo ambabaxay degaanka Mina iyaga oo ku soo jiheystay degaanka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.

Xujeyda ayaa saakay basas looga soo qaaday degaanada ay degan yihiin, waxaana ay isugu tagayaan dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.

Ciidamo aad u fara badan ayaa la soo dhiibay wadooyinka waa weyn ee magaalada Maka Al-mukarama, waxaana Gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka u jira 2 KM.

47 Qof oo xujey ah ayaa sanadkii hore waxa ay ku dhinteen xajka, kaddib markii ay is buurteen.

Exit mobile version