Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Malaayiin Muslimiin ah oo ay ku jiraan Soomaaliya oo maanta u dabaal degaya Ciidul Adxaa.

Malaayiin Muslimiin ah ayaa daafaha caalamka u dabaaldegaya munaasabadda Ciidul-Adxa taas oo ah mid sanadkiiba mar soo marta.

Magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Jigjiga, Nairobi iyo magaalooyin kale ayaa si weyn looga oogay salaada ciida taas oo ay boqolaal kun oo dad ah ay salaadda ku tukadeen goobo loo asteeyey oo barxado ah iyo masaajidada.

Maanta ayaa jawigu ciidu yahay mid farxad iyo baraare ay dadku ku ciidayaan iyadoo takbiirta laga akhrinayo cod-baahiyaasha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre iyo madax kale ayaa salaada ciida kumanaan qof kula tukaday masaaajidka weyn ee Isbahaysiga Islaamka ee Muqdisho

Exit mobile version