Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay halkaasi uu ku dhintay Majaajileystaha Caanka ah Boon Xirsi.
Boon Xirsi ayaa waxaa kunoolaa Magaalada Hargeysa sanadyadii ugu dambeeyay , waxaana uu xalay ku dhintay halkaasi sida ay sheegeen Eheladiisa.
Ehelada Boon Xirsi sheegay in xanuun deg deg uu kusoo booday ,laakiin uusan horay u xanuunsaneyn.
Boon Xirsi ayaa kasoo dhexmuuqday Riwaayado dad badan ka qosliyay.
Waxaa uu ahaa Majaajileyste si weyn loo jecel Marka uu jilaayo Riwaayadaha.
