Jowhar-RisaalaFM- Waxaa si dar dar leh u socota Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Jowhar oo xarun u ah Maamulka Hirshabeelle.
Doorasho maanta ka dhacday Magalada Jowhar ayaa waxaa lagu doortay 2 xubnood oo keliya, maadaama Doorashada ay aheyd mid xiiso badan.
Xubnaha maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin Aamino Maxamed Cabdi oo heshay 26 Cod iyo Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo helay 34 Cod, waxaana ay ka mid noqdeen xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka soo socda.
Haddaba wadarta guud ee illaa hada lagu soo doortay Magaalada Jowhar ayaa noqoneysa 26 xildhibaan iyadoo ay dhiman yihiin 11 xubnood oo lagu wado in la soo doorto maalmaha soo socda.
