Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug ayaa maanta shaaciyay in ay iska Casileen xilkii ay u hayeen maamulka Galmudug.
Wasiirada ayaa ka carooday ka dib markii ay sheegeen in Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ay dhaceen gursigii beeshooda ay ku laheyd Aqalka Hoose.
Wasiirada iscasilay ayaa kala ah Wasiir ku xigeenka Jaaliyadaha iyo Maalgashiga Galmudug Cabdisalaan Ibraahim Faarax iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimada Maamulkaasi Galmudug Cali Daahir Saciid.
Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in sababta uu isku casilay in ay tahay ka dib markii uu sheegay in la musuq maasuqay kursigii beeshiiso ay ku laheyd degaanada maamulka Galmudug.
