Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo Maanta kusoo wajahan Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa la filayaa in u dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, isaga oo dalka ka maqnaa tan iyo markii doorashada looga guuleystay.

Weli lama cadeyn in safarka Farmaajo ee Muqdisho in  arrimo siyaasadeed la xiriirto iyo in kale dib u soo laabashada Farmaajo ee dalka balse ilo wareedyo la socda wafdiga madaxweynihii hore ayaa sheegay in Maanta ka soo degayo gagida diyaaradaha ee Aadan Cade.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidii talada dalka looga guuleystay  ku noolaa dalka dibadiisa ayaa dhowr jeer ku dhaliilay DFS ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh in ay ku deg degtay furista iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, talaabadaas oo uu ku tilmaamay in tahay mid wax u dhimaysa midnimada umadda Soomaaliyeed.

Guud ahaan dalka ayaa Maanta waxaa siweyn looga hadal hayaa imaanshaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana wararka kale aan heleyno ay sheegayaan in uu dhawanan tegi doono kulamada labada Aqal maadaama uu yahay Xildhibaan sharafeed, isla markaana uu khudbad ka jeedin doono.

Exit mobile version