Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweyne xasan sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa uga hambalyeeyey safiirradan in ay ku soo biireen safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.

Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ayaa kala ah:

 

Exit mobile version