Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xeer Madaxweyne ku soo celiyey dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi oo hore uga tirsanaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA.
Sarkaalkan oo la dhashay Siyaasi C/raxmaan Baadiyow oo hadda la-taliye u ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa hore ciidanka uga saaray Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo Bishii April 2020, Markii ay isku dhaceen Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin.
“Gaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey” ayaa lagu yiri wareegtada Madaxweyne Xsan Sheekh.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORNEYL IBRAAHIM MACALLIN U SOO CELIYAY DARAJADA CIIDAN EE UU KA XAYUUBIYAY FARMAAJO

